Dagaal Culus oo Ka Socda Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellada Dhexe
Dagaal Culus oo Ka Socda Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellada Dhexe
Saaka, maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xeryo ay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ku leeyihiin duleedka Degmada Warsheekh, gobolka Shabeellada Dhexe, iyadoo weerarka uu ku bilowday qaraxyo isku xigta.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dagaal culus uu weli ka socdo goobta, kadib markii maleeshiyaadka hubeysan ay weerar toos ah ku qaadeen saldhigyada ciidamada, iyadoo la maqlayay rasaas culus iyo qaraxyo is xigay.
Dagaalkan ayaa imanaya xilli Ciidamada Dowladda ay howlgallo ka wadeen deegaanno ay Al-Shabaab ku sugan yihiin, gaar ahaan deegaanka Jabad-Godane, taasoo la rumeysan yahay inay sababtay weerarka maanta.
Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in khasaare kala duwan uu jiro, hase yeeshee weli lama xaqiijin tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca, maadaama dagaalku weli socdo oo xaaladdu ay tahay mid aad u cakiran.
Laamaha ammaanka ee Dowladda Federaalka ayaan weli ka hadlin faahfaahinta rasmiga ah ee dagaalkan, hase yeeshee warar madax-bannaan ayaa tilmaamaya in ciidamadu ay iska caabin xooggan sameynayaan.
Wararka soo kordha kala soco.