|

Somaliland oo Ciidamo Cusub ku Soo Bandhigtay Gobolka Sool

Warar · Ilhaan · January 17, 2026
Somaliland oo Ciidamo Cusub ku Soo Bandhigtay Gobolka Sool
RW Xamsa iyo Wafuud Kale oo Maanta Tagaya Laascaanood
In Summary

Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay

Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in ka badan 6,000 oo askari oo cusub oo ay tababar siisay, kuwaas oo lagu soo bandhigay gobolka Sool, xilli Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu ku sugan yahay magaalada Laascaanood, isla markaana uu ka qeyb galayo munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdulqaadir Aw-Cali Firdhiye.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa hadal adag ka jeediyay munaasabadda lagu soo bandhigayay ciidamada, isagoo sheegay in gobolka Sool uu yahay dhul ka tirsan Somaliland, islamarkaana aanu jirin wax wax ka beddeli kara arrintaas, isagoo si gaar ah u weeraray booqashada madaxda dowladda federaalka, kana dhawaajiyay hadallo kulul.

Dhanka kale, Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa si cad uga hadlay joogitaanka madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Laascaanood, isagoo ku tilmaamay “faragelin qaawan” oo ka dhan ah waxa uu ugu yeeray madaxbannaanida Somaliland.

Madaxweyne Cirro ayaa beesha caalamka uga digay in tallaabooyinkan ay khatar ku yihiin nabadda iyo xasilloonida gobolka, gaar ahaan Geeska Afrika, isagoo xusay in Somaliland ay u aragto arrintan mid sii hurin karta xiisado cusub oo amni iyo siyaasadeed.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.