Koofur Kuuriya oo diiday faragelin lagu sameeyo arrimaha gudaha Soomaaliya
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan fogaan-arag ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Koonfur Kuuriya, Dr. Cho Hyun, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay ballaarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan, xaaladda guud ee gobolka, iyo joogitaanka ciidamada badda ee Koonfur Kuuriya ee Gacanka Cadmeed.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Koonfur Kuuriya ayaa si cad u adkeeyay in dalkiisu ixtiraam buuxa u hayo madaxbannaanida, midnimada dhuleed iyo qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo carrabka ku adkeeyay mabda’a faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee dalalka kale iyo ku dhaqanka sharciga caalamiga ah.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirrada diblomaasiyadeed ee ay la leedahay saaxiibada caalamka, isla markaana ay ku difaacayso midnimada iyo qaranimada dalka.