Ururka Iskaashiga Islaamka Oo Si Adag U Cambaareeyay Aqoonsiga Israa’iil Ee Somaliland
Kulanka ayaa si weyn loogu falanqeeyay arrinta muranka dhalisay
Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa shalay oo Sabti ahayd kulan ku yeeshay magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudiga, kaas oo si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa si weyn loogu falanqeeyay arrinta muranka dhalisay ee ah aqoonsiga ay Israa’iil siisay Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland, tallaabadaas oo OIC ku tilmaantay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo midnimada Soomaaliya.
Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka, Xuseen Ibraahim Daaha, ayaa si cad u sheegay in aqoonsiga Israa’iil ay siisay qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya uu yahay fal sharci-darro ah, isla markaana halis ku ah amniga iyo xasilloonida gobolka.
“Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa khad cas oo aan la oggolaan karin in laga gudbo,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee OIC, isagoo xusay in tallaabada Israa’iil ay si toos ah u jebinayso mabaadi’da sharciga caalamiga ah.
Dhanka kale, Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee OIC ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda Falastiin, gaar ahaan dagaalka Qasa, iyagoo isla qaatay in la sii guda galo wejiga labaad ee xabbad-joojinta, si loo yareeyo dhibaatada bani’aadannimo ee ka jirta halkaas.
Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa mar kale adkeeyay taageerada buuxda ee uu u hayo madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.