MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Guddiga Farsamada Golaha Mustaqbalka Soomaaliya
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan la qaatay Guddiga Farsamada ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, xilli guddigan ay maalmahan shirar wadatashi ah ka wadeen magaalada Garowe.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan hawlaha siyaasadeed ee mudnaanta u leh Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa xallinta caqabadaha ka jira geeddi-socodka siyaasadda.
Guddiga Farsamada ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa ka kooban lix xubnood, kuwaas oo kala ah:
Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanad, Caarshe Maxamed Siciid, Xildhibaan Cabdirashiid Jire, Saahid Qodhob, Cabdilaahi Xaaji Abuukar, iyo Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).
Xubnahan ayaa Garowe u joogay dejinta istaraatiijiyad iyo qorshayaal siyaasadeed oo la xiriira marxaladda kala-guurka ee dalka.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ay ku mideysan yihiin Puntland, Jubbaland iyo Madasha Samatabixinta ee Muqdisho, ay dhowaan shir ku yeelan doonaan magaalada Garowe, kaas oo looga arrinsan doono xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan muranka doorashooyinka iyo madmadowga jira.
Golaha Mustaqbalka ayaa horay ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu muddo bil gudaheed ah isugu yeero dhammaan saamileyda siyaasadeed ee dalka, si loo gaaro heshiisyo qaran oo ku saabsan doorashada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horey u muujiyay inuu aqbalay dalabka mucaaradka, inkastoo faahfaahinta qabsoomidda shirkaas ay weli socoto.
Kulankan ayaa imaanaya xilli uu dalka wajahayo xilli siyaasadeed oo xasaasi ah, islamarkaana ay isa soo tarayaan baaqyada ku aaddan wadatashi qaran oo loo dhan yahay.