|

MW Xasan Sheekh oo laba codsi oo muhiim ah u gudbiyay MW hore Sheekh Shariif

Warar · Ilhaan · January 5, 2026
MW Xasan Sheekh oo laba codsi oo muhiim ah u gudbiyay MW hore Sheekh Shariif
MW Xasan Sheekh oo laba codsi oo muhiim ah u gudbiyay MW hore Sheekh Shariif
In Summary

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kaddib kulan ka dhacay hoyga Sheekh Shariif ee magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo siyaasadeed iyo tabashooyin hore u jiray, kuwaas oo la sheegay in labada dhinac ay isku afgarteen in si wadahadal ah loo wajaho, si loo yareeyo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka.

Xisbiga Himilo Qaran, oo uu hoggaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kulanka ku muujiyay rabitaankiisa ku aaddan qabashada shir wadatashi qaran, kaas oo ay horay ugu baaqeen qaar ka mid ah mucaaradka. Madaxweynaha ayaa Sheekh Shariif ka dalbaday inuu door firfircoon ka qaato hirgelinta shirkaas, si loo xaqiijiyo in uu ku dhammaado is-afgarad qaran oo loo dhan yahay.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay inuu soo dhoweeyay codsigaasi, isaga oo caddeeyay diyaar u ahaanshihiisa inuu ka qeyb qaato dadaal kasta oo lagu xallinayo khilaafaadka siyaasadeed, laguna gaari karo midnimo iyo xasillooni siyaasadeed.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), uu door ka qaatay isu-soo-dhowaanshaha labada hoggaamiye, maadaama uu maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo ay ka socdeen kulammo wadatashi ah.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo Sheekh Shariif ka mid yahay, ay qorsheynayaan inay dhawaan magaalada Garoowe ku qabtaan shir looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira doorashooyinka.

Guud ahaan, kulanka Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa loo arkaa mid Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku doonayo inuu ku dejiyo tabashooyinka Madasha Mucaaradka, iyo sidoo kale kuwa maamullada Jubbaland iyo Puntland, si loo abuuro jawi u gogol xaaraya wadatashi qaran oo ku saabsan mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.