Xisbiga Shariif Xasan oo laga laabtay codadkii uu ka helay Degmada Waaberi, muran xooggan oo ka dhashay natiijada doorashada
Waxaa soo ifbaxay khaladaadkii
Waxaa soo ifbaxay khaladaadkii ugu horreeyay ee la xiriira doorashadii Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ee ka dhacday Muqdisho 26-kii Disembar, kaddib markii Guddiga Doorashooyinka Qaranka uu shaaciyay isbeddel ku yimid natiijada ugu yaraan hal degmo, taas oo dhalisay shaki iyo muran siyaasadeed.
Xisbiga Hormar iyo Midnimo Qaran, oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa si adag uga horyimid wax-ka-beddel lagu sameeyay natiijadii hore ee doorashada Degmada Waaberi, taas oo ay horay u shaaciyeen guddiyada doorashada ee heer degmo.
Xisbigan ayaa horay ugu dabaal-degay in uu degmada Waaberi ka helay 2,968 cod, balse Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa markii dambe ku wargeliyay in tiradaasi ay ahayd khalad, isla markaana ay dhab ahaantii lahayd Xisbiga JSP ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Natiijada cusub ee guddigu soo saaray ayaa muujisay in Xisbiga Hormar iyo Midnimo Qaran uu helay 407 cod oo kaliya, halka 2,968-dii cod ee hore loogu tiriyay loo wareejiyay Xisbiga JSP, sida ku cad qoraalka rasmiga ah ee dambe ee Guddiga Doorashooyinka.
Guddiga ayaa arrintan ku macneeyay khalad farsamo oo hadda la saxay, balse Xisbiga Shariif Xasan ayaa si cad uga biyo diiday sharaxaaddaas, waxaana la filayaa in ay si toos ah arrintan uga hadlaan, islamarkaana ay qaadacaan doorashada.
Sidoo kale, waxaa isa soo taraya warar sheegaya in xisbiyo kale ay cabasho ka muujiyeen natiijooyinka lagu dhawaaqay, halka qaarna ay sheegeen in ay dacwad u gudbinayaan Maxkamadda Sare.
Ilaa iyo hadda, Guddiga Doorashooyinka Qaranka kuma guuleysan in ay qanciyaan ururradii siyaasadeed ee ka qeyb galay doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, iyadoo dood adag ay ka taagan tahay habka loo qeybinayo kuraasta degmooyinka.
Inkasta oo guddigu soo saaray liis muujinaya tirada guud ee kuraasta uu xisbi kasta helay, haddana lama faahfaahin tirada kuraasta degmo degmo loo kala helay iyo musharrixiinta kusoo baxay, taas oo sii xoojisay shaki iyo cabashooyin ka imanaya dhinacyada tartamay.