|

Soomaaliya oo shaacisay mowqif rasmi ah oo ku aaddan xaaladda Yemen

Warar · Ilhaan · December 31, 2025
Soomaaliya oo shaacisay mowqif rasmi ah oo ku aaddan xaaladda Yemen
Soomaaliya oo shaacisay mowqif rasmi ah oo ku aaddan xaaladda Yemen
In Summary

Dowladda Federaalka Soomaaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u muujisay mowqifkeeda ku aaddan xaaladda ka taagan Jamhuuriyadda Yemen, iyadoo mar kale adkaysay taageerada buuxda ee ay u hayso midnimada, madaxbannaanida iyo sharciyadda dastuuriga ah ee Yemen.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa lagu caddeeyay in Soomaaliya ay si adag uga soo horjeeddo faragelin kasta oo wiiqaysa midnimada dhuleed iyo hay’adaha qaran ee Yemen, isla markaana ay aaminsan tahay in xal waara uu ku iman karo oo keliya hannaan siyaasadeed oo nabadeed, kana dhashay rabitaanka shacabka Yemen.

Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu bogaadiyay doorka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, gaar ahaan dadaallada diblumaasiyadeed, bini’aadantinimo iyo amni ee ay hormuudka ka tahay, kuwaas oo lagu doonayo in lagu soo afjaro qalalaasaha Yemen laguna yareeyo masiibada bani’aadantinimo ee ka jirta dalkaas.

Ugu dambayn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hoosta ka xarriiqday in amniga Yemen uu si toos ah ula xiriirsan yahay amniga Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo guud ahaan Geeska Afrika, iyadoo ugu baaqday beesha caalamka in ay sii xoojiso dadaallada wadajirka ah ee lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo xasillooni guud oo gobolka ah.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.