|

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Turkiga

Warar · Ilhaan · December 30, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Turkiga
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Turkiga
In Summary

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Istanbuul ee Jamhuuriyadda Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Istanbuul ee Jamhuuriyadda Turkiga, halkaas oo uu uga qeybgalayo munaasabad taariikhi ah oo muhiim u ah xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal.

Inta uu ku sugan yahay Turkiga, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan rasmi ah la qaadan doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Rajab Dayib Erdoğan, iyagoo ka wada hadli doona xoojinta iyo qiimeynta iskaashiga istaraatiijiyadeed ee labada dal, xaaladda guud ee gobolka, iyo danaha wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Safarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu sii adkeynayo xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga dhow ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.