|

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay mas’uuliyiinta Gobollada Waqooyi

Warar · Ilhaan · December 29, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay mas’uuliyiinta Gobollada Waqooyi
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay mas’uuliyiinta Gobollada Waqooyi
In Summary

Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku guda jira wada-tashiyo qaran oo lagu xoojinayo ilaalinta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku guda jira wada-tashiyo qaran oo lagu xoojinayo ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dalka, ayaa kulan la yeeshay mas’uuliyiinta hay’adaha fulinta iyo sharci-dejinta ee ku matala Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa Madaxweynaha looga dhageysiiyay talooyin iyo aragtiyo wax ku ool ah oo ku saabsan hannaanka ugu habboon ee loo wajahayo ka hortagga faragelinta shisheeye iyo adkeynta midnimada dalka. Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta ku boorriyay in ay si firfircoon u qaataan doorkooda ku aaddan difaaca qarannimada iyo xoojinta wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Dhankooda, mas’uuliyiinta Xukuumadda iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Gobollada Waqooyi ayaa Madaxweynaha ku bogaadiyay dadaalka xooggan ee uu ku bixinayo ilaalinta gobanimada iyo midnimada dalka, iyaga oo ballan qaaday in ay kaalin muuqata ka qaadan doonaan ololaha qaran ee looga hortagayo kala-qaybsanaanta dalka.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.