Midowga Afrika oo bogaadiyay doorashooyinkii degmooyinka ee Muqdisho ka dhacay
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC), Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa si rasmi ah u soo dhaweeyay doorashooyinkii degmooyinka ee 25-kii Diseembar 2025 ka qabsoomay magaalada Muqdisho, isaga oo hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed sida ay doorashooyinku ugu dhaceen si deggen, nabad ah oo nidaamsan.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in qabsoomidda doorashooyinkan ay tahay tallaabo muhiim ah oo bilow u ah dadaallada Soomaaliya ay ugu jirto horumarinta nidaam dimuqraadi ah oo sal adag leh, kaas oo si tartiib tartiib ah uga hana-qaadaya guud ahaan dalka.
Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay in doorashooyinka heer degmo ay door weyn ka ciyaaraan xoojinta ka-qaybgalka dadweynaha ee maamulka iyo go’aan-qaadashada, isla markaana ay siinayaan shacabka iyo hay’adaha dowladeed waayo-aragnimo muhiim ah oo ku saabsan geeddi-socodka siyaasadeed iyo doorasho ee ay Soomaaliya iyadu hoggaaminayso.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayaa mar kale xaqiijiyay in Midowga Afrika uu sii wadi doono taageerada iyo garab istaagga uu u hayo shacabka Soomaaliyeed, dadaalladooda ku aaddan dhismaha maamul loo dhan yahay, iyo hirgelinta nabad iyo xasillooni waarta.