Turkiga, Masar iyo Jabuuti oo si adag uga horyimid aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil
Dowladaha Turkiga, Masar iyo Jabuuti ayaa noqday
Dowladaha Turkiga, Masar iyo Jabuuti ayaa noqday dalalkii ugu horreeyay ee si cad uga soo horjeesta go’aanka ay Israa’iil ku sheegtay inay ku aqoonsatay Somaliland, kaddib wadahadallo khadka taleefoonka ah oo ay la yeesheen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Saddexdan dal ayaa muujiyay mowqif mideysan oo ay ku taageerayaan madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo caddeeyay in aysan aqbali karin tallaabo kasta oo wax u dhimaysa qaranimada Soomaaliya.
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalkan ayaa ku tilmaamay aqoonsiga Somaliland mid khatar amni ku ah gobolka iyo caalamkaba, inkastoo aysan si faahfaahsan u sheegin qodobbada sharci ama siyaasadeed ee ay u cuskadeen diidmadaasi.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa billowday olole diblomaasiyadeed oo xooggan, kaas oo ay ku doonayso inay kaga hortagto aqoonsiga ay Israa’iil ku sheegtay Somaliland, iyadoo la filayo in Muqdisho ay la xiriirto dalal iyo hay’ado caalami ah si ay u muujiso mowqifkeeda ku aaddan arrintan