|

Bannaanbax ka socda Garoonka Aadan Cadde iyo shaqaalaha Favouri oo hakad geliyay howlaha Garoonka Aadan Cadde

Warar · Ilhaan · December 18, 2025
Bannaanbax ka socda Garoonka Aadan Cadde iyo shaqaalaha Favouri oo hakad geliyay howlaha Garoonka Aadan Cadde
Bannaanbax ka socda Garoonka Aadan Cadde iyo shaqaalaha Favouri oo hakad geliyay howlaha Garoonka Aadan Cadde
In Summary

Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde

Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa saaka la kulmay hakad ku yimid shaqadii caadiga ahayd, kaddib markii shaqaalaha u shaqeeya shirkadda maamusha garoonka ee Fafoori (Favouri) ay sameeyeen shaqo-joojin iyo bannaanbax.

Shaqaalaha oo isugu soo baxay bannaanka garoonka ayaa sheegay inaysan jirin wax shaqo ah oo ka socota garoonka, iyagoo cabasho ka muujiyay xuquuq ay sheegeen in si joogto ah loogu tuntay. Arrintan ayaa saameyn ku yeelatay isku socodka shacabka iyo habsami u socodka howlaha garoonka.

Shaqaalaha ayaa tilmaamay in cabashadooda ay soo noqnoqotay, balse ay ka xun yihiin in Dowladda Soomaaliya aysan illaa hadda wax tallaabo ah ka qaadin, iyagoo ku eedeeyay in arrintaasi ay fursad siisay ajaanib dalka u yimid shaqo inay duudsiiyaan xuquuqdooda.

Dibadbaxan ma ahan kii ugu horreeyay, maadaama shaqaalaha garoonka Aadan Cadde ay marar hore sameeyeen gadood iyo shaqo-joojin la xiriirta eedeymo ay u jeediyeen shirkadda Fafoori, kuwaas oo ku saabsan dhowrista xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed.

Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay shirkadda Fafoori ama hay’adaha dowladda ee khuseeya, halka shaqaaluhu ay ku adkaysanayaan inaysan shaqada ku laaban doonin ilaa laga xalliyo cabashadooda.

Shaqo-joojintan ayaa ku soo beegmaysa xilli garoonka Aadan Cadde uu yahay halbowlaha ugu muhiimsan ee isku socodka dalka, taasoo walaac ka dhalisay saameynta ay ku yeelan karto safarrada iyo adeegyada duulimaadyada.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.