|

Ciidamada Huwanta oo Fasaxay Gaadiid Ku Xayirnaa Inta u Dhexeysa Yaaq-Birweyne iyo Leego

Warar · Ilhaan · December 2, 2025
Ciidamada Huwanta oo Fasaxay Gaadiid Ku Xayirnaa Inta u Dhexeysa Yaaq-Birweyne iyo Leego
Ciidamada Huwanta oo Fasaxay Gaadiid Ku Xayirnaa Inta u Dhexeysa Yaaq-Birweyne iyo Leego
In Summary

Ciidamada Xoogga Dalka

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Maamulka Koofur Galbeed ayaa hawlgal ballaaran oo amni xaqiijin ah ka fuliyay inta u dhaxaysa deegaanka Yaaq-Birweyne iyo Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo halkaas ka qaaday jidgooyooyin lagu dhibaateyn jiray shacabka iyo gaadiidka xamuulka.

Intii uu socday howlgalka ayaa lasii daayay gaadiid xamuul badan oo hore ugu xayirnaa jidka, kuwaas oo la kulmay caqabado ka dhashay isbaarooyin sharci darro ah oo halkaasi yaallay.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay inay heleen xog muujineysa in maleeshiyaad hubeysan oo ku sugan duleedka Wanla-Weyn ay wada shaqeyn la leeyihiin kooxda al-Shabaab, taas oo sababtay in la adkeeyo howlgallada amniga ee ka socda gobolka.

Taliyaha Guutada 7aad ee Ciidamada Xoogga Dalka, Axmed Gaashaan, ayaa sheegay in howlgalka isbaaro qaadista uu sii soconayo, isla markaana ay wadaan baaritaanno iyo soo qabashada rag ay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida hore ugu xukuntay dil toogasho, kuwaas oo weli ku dhuumaaleysanaya qeybo ka mid ah gobolka.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.