Farmaajo oo si adag uga hadlay xaaladda dalka xilligan
Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya,
Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo xalay kulan la qaatay xubno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka, ayaa sheegay in dalka uu galay xaalad aad u cakiran.
Farmaajo ayaa tilmaamay in dalka ay ka jirto xaalad u dhiganta macaluushii 1992-dii (Caga Barar), islamarkaana ay jiraan dad maalmo gudahood hal mar wax cuna, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay go’aanka Dowladda Federaalka ee ku saabsan dhulal dowladeed oo la wareegis ah, ayaa sheegay in tallaabadaasi ahayd mid aan sax ahayn, isla markaana uu ku baaqayo in gebi ahaanba la joojiyo.
Ugu dambayn, isagoo ka hadlay arrimaha doorashada, Farmaajo wuxuu xusay in dowladda ay ka hartay lix bilood, islamarkaana lagama maarmaan ay tahay in la caddeeyo qaabka doorashada iyo waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo.