|

Muungaab oo wajahaya eedo cusub gudaha JSP

Warar · Ilhaan · November 12, 2025
Muungaab oo wajahaya eedo cusub gudaha JSP

Muungaab ayaa wajahaya eedo culus oo uga imaanaya xubno sare oo ka tirsan Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP), kadib markii ay xubno xisbiga ah ku kala qeybsameen cidda rasmi ahaan u mataleysa xisbiga tartanka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Fadeexad culus ayaa ka dhalatay arrintaas, iyadoo la sheegay in xubno xisbiga ka tirsan ay qaateen lacago isla markaana ay gaareen go’aan hal dhinac ah oo ah in Muungaab matalo xisbiga tartanka gobolka Banaadir. Arrintan ayaa si kulul u sii xoogeysaneysa, iyadoo ay dhalisay muran iyo dhaliilo gudaha xisbiga ah.

Dooda ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay aheyd mid kicisay taageerayaasha xisbiga JSP, iyadoo ay ku saabsaneyd xaaladda jahawareerka iyo kala aragti duwanaanta hareysay xisbiga.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.