|

Madaale: Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee JSP Wuu Qarka u Saaran Yahay Inuu Burburo

Warar · Ilhaan · November 12, 2025
Madaale: Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee JSP Wuu Qarka u Saaran Yahay Inuu Burburo

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa si adag uga jawaabay hadal kasoo baxay xubno ka tirsan Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP), kuwaas oo sheegay in musharaxa rasmiga ah ee caasimadda uu yahay Muungaab.

Madaale ayaa hadalkaas ku tilmaamay “nasiib-darro weyn”, isagoo sheegay in aan la aqbali karin in xubno gaar ahi ay si madax-bannaan u magacaabaan musharax, maadaama uu xisbiga leeyahay nidaam iyo tartan gudaha ah oo lagu soo xulo musharaxiinta.

“Xisbiga JSP wuxuu leeyahay hannaan cad oo musharixiinta lagu soo xulo. Qof walba ma laha awood uu ku magacaabo musharax ka hor inta aan la marin nidaamka tartanka gudaha,” ayuu yiri Madaale.

Sidoo kale, Madaale ayaa Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbiga JSP, Xuseen Sheekh Maxamuud, ugu baaqay inuu cadeeyo cidda ka dambeysay hadalkaas, islamarkaana uu bixiyo raalli-gelin rasmi ah.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa intaas ku daray in Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee JSP uu halis ugu jiro burbur, haddii aan la dhowrin nidaamka iyo kala dambeynta gudaha xisbiga.

Ugu dambeyn, Madaale ayaa ku adkeystay in la ixtiraamo tartanka iyo nidaamka xisbiga, isla markaana la joojiyo magacaabista musharixiinta inta aan la gaarin xilliga rasmiga ah ee tartanka.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.