|

Koonfur Galbeed oo cambaareysay falka argagaxa leh ee ka dhacay degmada Wanla-weyn

Warar · Ilhaan · November 9, 2025
Koonfur Galbeed oo cambaareysay falka argagaxa leh ee ka dhacay degmada Wanla-weyn

Dowladd gobolledka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa falka naxdinta leh ee lagu dilay qof shacab ah, kaas oo ka dhacay deegaanka Dadumaay, duleedka degmada Wanla-weyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Falkan gurracan ayaa lagu tilmaamay mid argagax leh oo ka soo horjeeda qiyamka bani’aadantinimo, nabadda iyo wada-noolaanshaha bulshada. maamulka Koonfur Galbeed waxay sheegtay in aan la aqbali doonin falal noocan oo kale ah oo lagu carqaladeynayo amniga iyo xasilloonida shacabka.

Sidoo kale, dowladda ayaa ku eedeysay kooxaha ka dambeeyay dhacdadan in ay yihiin cadawga nabadda iyo horumarka bulshada, iyadoo xustay in ay ka go’an tahay in baaritaan buuxa lagu sameeyo si cadaaladda loo horkeeno cid kasta oo ku lug leh.

Dowladda gobolledka Koonfur Galbeed waxay ku adkeysay in cid kasta oo dambiga lagu helo aysan ka baxsan doonin sharciga, isla markaana la qaadi doono tallaabo adag oo lagu xaqiijinayo cadaaladda.

Waxaa kale oo dowladda ay tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehellada iyo qoyska marxuumka, iyadoo Alle uga baryeysa inuu u naxariisto, jannadiisana ka waraabiyo.

Ugu dambeyn, Dowladda Koonfur Galbeed waxay ugu baaqday shacabka inay ka feejignaadaan kooxaha amni-darrada abuura, ayna si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga si looga hortago falal amni-xumo oo kale.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.