|

Xasan Cali Kheyre iyo Saameyntiisa Siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Warar · Abdalle · November 1, 2025
Xasan Cali Kheyre iyo Saameyntiisa Siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Xasan Cali Kheyre: Siyaasiga Niyad-sami, Xal-doonka iyo Halkudhigga Mustaqbalka Siyaasadeed ee Soomaaliya

Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa ka mid ahaa martidii lagu casuumay xuska Shirkii Carta, oo lagu tilmaamo aasaaska waxa loogu yeero Jamhuuriyadda Saddexaad ee Soomaaliya. Shirkaasi wuxuu dhidibada u aasay dowladnimadii cusub ee Soomaaliya, dad badanna waxay Carta u arkaan iftiimihii ugu horreeyay ee dib-u-habaynta siyaasada dalka.

Dowladda Federaalka ee maanta jirta waxay ku dhisan tahay labo mabda’ oo mid hirgalay, midna weli lagu muransan yahay. Midka hirgalay waa nidaamka awood-qaybsiga ee 4.5 — nidaam in kasta oo uu leeyahay tabar-darrooyin, hadana noqday miisaanka siyaasadda dalka. Waxaa la yiraahdaa:
"Xaq-doon ma nihin, ee xal-doon ayaan nahay."
Hadalkaa wuxuu ka tarjumiyaa xaaladda bulshada Soomaalida oo ku kala caan-baxday danaha siyaasadeed iyo beeleed.

Walwalka Kheyre: Soomaaliya oo wajahaysa hubanti la’aan siyaasadeed

Intii uu safarku socday, waxaa ii suurta gashay wada sheekeysi dheer oo aan la yeeshay Xasan Cali Kheyre. Inkastoo uu aad ugu faraxsanaa xuska nabad-doonka Carta, haddana wuxuu muujinayay walwal ku aaddan marxaladda siyaasadeed ee dalku ku jiro.

Wuxuu si qoto dheer uga hadlay baahida loo qabo hannaanka doorasho oo loo dhan yahay, isaga oo xusay in markasta oo aan xal joogto ah laga gaarin khilaafaadka siyaasadeed, ay Soomaaliya ku sii jiri doonto jahawareer siyaasadeed.
Kheyre wuxuu yiri:
“Haddii 1991 xilkasnimo siyaasadeed la muujin lahaa, waxaa suurto gal ahayd in aanan marin musiibooyinkii dalkeenna soo maray.”

Wuxuu sidoo kale iftiimiyay in go’aamada siyaasadeed ee dalka muhiimaddiisa aysan ku koobneyn hal shaqsi ama hal hay’ad, balse ay u baahan tahay wadajir iyo mustaqbal lagu wada heshiiyo.

Xasan Cali Kheyre: Ninkii fursadda qaabeeyay

Xasan Cali Kheyre wuxuu ka mid ahaa dhalinyaradii Soomaaliyeed ee qarnigii 20-aad dhammaadkiisii u ambabaxay dalalka Yurub, gaar ahaan Norway. Halkii uu ku ekaan lahaa nolol raaxo ah sida Soomaalida badankood, wuxuu doortay inuu noqdo ninkii fursadda u beddelay halgan iyo horumar.

Waxbarasho ka dib, wuxuu ka shaqeeyay hay’adda NRC, isagoo gaaray darajada ugu sarreysa ee Afrika Bariga. Hormar shaqo iyo hoggaan ayuu ka sameeyay, taas oo keentay in lagu aaminay xilka Raysalwasaaraha 2017-kii.

Intii uu xilka hayay

Mudadii uu xilka hayay, Kheyre wuxuu qabtay howlaha ugu miisaanka culus:

Nidaam mushaar oo hufan ayuu u sameeyay ciidanka iyo hay’adaha amniga — kana hortagay mushaar lunsi.
Deyn Cafinta Soomaaliya wuxuu ahaa matoorka dhaqaajiyay — taas oo dalka u furtay albaab dhaqaale iyo maalgashi.
Wuxuu gacan ka geystay difaaca ganacsatada Soomaaliyeed ee cadaadis siyaasadeed iyo mid shisheeye la kulmay, gaar ahaan arrinta Sheekh Axmed Nuur Cali Jimcaale ee loo eedeeyay been-abuur.

Xasan Cali Kheyre waxaa lagu tilmaamaa hoggaamiye shaqo badan, lehna awood uu ku shaqeeyo in ka badan 20 saacadood maalintii, taas oo aan ku dhif ahayn hoggaanka Soomaalida.

Hoggaamiye isku xirta aqoonyahanka iyo dhalinyarada

Waxa ugu weyn ee Kheyre kaga duwan yahay madaxda Soomaaliyeed intooda badan ayaa ah:

  • Inuu aaminsan yahay in aqoonta iyo dadka xirfadda leh la dhiirrigeliyo

  • Inuu xoogga saaro dhaqaalaha, maalgashiga, shaqo-abuurka, iyo horumarinta dhalinyarada

  • Inuu rajeeyo in dowladdu noqoto kuwo istaagta, maamul leh, samatabixisa mustaqbalka dalka

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed

Maanta, Xasan Cali Kheyre wuxuu ka mid yahay aas-aasayaasha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, oo loo saadaalinayo inay mustaqbalka dhow door weyn ka qaadan doonto jihaynta siyaasadda dalka. Shirar ayaa socda, qorsheyaalna waa socdaan — iyadoo hadafka ugu weyn uu yahay in doorasho nabdoon iyo xasilooni siyaasadeed loo sameeyo dalka.

Gunaanad

Xasan Cali Kheyre ma ahan kaliya siyaasi; waa hal-abuur siyaasadeed, xal-doon, qof ku dadaala mustaqbalka Soomaaliya. Aragtidiisa ku saleysan midnimo, hufnaan iyo maamul wanaag ayaa ka dhigaysa hoggaamiye ku habboon marxaladda ay Soomaaliya ku jirto.

Maanta, iyadoo dalku wajahayo hubanti la’aan siyaasadeed iyo cadaadis dhaqaale, hoggaan leh aragti mideysa shacabka iyo dowladnimada ayaa ah waxa ugu weyn ee bulshada Soomaaliyeed u baahan tahay — waxaana muuqata in Kheyre door muuqda ku leeyahay safkaas.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.