|

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Khudbad Ka Jeediyey Xuska 25-Guurada Shirweynihii Nabadaynta Soomaaliyeed Ee Carta

Warar · Abdalle · October 30, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Khudbad Ka Jeediyey Xuska 25-Guurada Shirweynihii Nabadaynta Soomaaliyeed Ee Carta

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Khudbad Ka Jeediyey Xuska 25-Guurada Shirweynihii Nabadaynta Soomaaliyeed Ee Carta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda Xuska 25-guurada Shirweynihii Nabadaynta Soomaaliyeed ee Carta ayaa xusay doorkii taariikhiga ahaa ee dowladda iyo shacabka Jabuuti ay ka qaateen nabadaynta iyo dib u dhiska dowladnimada.

Madaxweyne Xasan oo dib u milicsanaya xasuustiisa shirkii nabadda ee Carta ayaa tilmaamay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabka Jabuuti aysan ku ekaan oo keliya hindisihii iyo martigelinta shirkii Carta ee ay garab istaageen walaalahooda Soomaaliyeed oo ay u hureen dhiigooda, gaar ahaan Ciidamada geesiyaasha ah ee Hiil Walaal.

“Nasiib wanaag, si fiican ayaan u xusuustaa maadaama aan ka mid ahaa dadkii ka soo qaybgalay shirkii Carta, sida walaalkey Madaxweyne Ismaaciil uu u muujiyey adkaysi iyo dulqaad markasta oo ay xaaladdu adkaato, isaga oo ay u dheereyd in uu dunida u sheego in Soomaaliya ay dib u heshay dowladnimadeedii, Erayadaas oo noqday kuwa can baxay oo abuuray rajo cusub iyo guusha aan maanta heysanno.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dalkeenna uu dagaal adag kula jiro Daacish iyo Al-shabaab oo ah labo urur oo argagixiso Caalami ah, isaga oo sheegay in dowladda iyo shacabka Sooaamliyeed ay ka go’an tahay in dalka laga ciribtiro Khawaarijta, taas oo ay barbar socoto horumarinta dowlad dhiska, dajinta iyo hirgelinta hannaan dimuquraadiyadeed, hay’ado dowladeed oo sal adag leh iyo xoojinta iskaashiga Gobolka Geeska afrika.

“Magaalada Carta waa xarunta aasaaska, dhisidda iyo dhaqangelinta Jamhuuriyadda 3-aad ee Soomaaliya, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay sameeysay horumar weyn muddadii ay jirtay, waxayna ku jirtaa halgan adag oo ay ku xaqiijinayso ballantii la qaaday ee ahayd in dastuurka kumeel-gaar ka ah laga baxo oo dadka soomaaliyeed la gaarsiiyo doorasho Qof iyo Cod ah, dadaalladaas oo ah kuwa marxalado kala duwan soo maray.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo maamuusaya halyeeyadii soomaaliyeed ee dadaalka geliyey in ay Soomaaliya dib u hesho dowladnimadeeda ayaa adkeeyey ahmiyadda ay leedahay siyaasad degan oo wadar oggol ah, si loo gaaro hay’ado dowliya oo dhisan, awood buuxdana u leh in ay si joogta ah u gutaan waajibaadka.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo soo dhoweeyey madaxda iyo martida ka soo qayb gashay xuska ayaa sheegay in dalkiisu uu mar walba garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana Jabuuti ay mar walba dooneyso in ay sii waddo kaalinta ay ku leedahay nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud,

ayaa Aqalka Madaxtooyada kulan muhiim ah kula yeeshay Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda, Mudane Xasan Abshirow.Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee shaqaalaha rayidka, dib-u-habeynta socda, caqabadaha jira, iyo talooyin lagu xoojinaayo hufnaanta shaqo ee hay’adaha dowladeed.

Intii uu socday kulanka, Guddoomiyaha Guddiga ayaa waxa uu Madaxweynaha warbixin ka siiyey marxaladihii uu soo maray nidaamka shaqaalaha rayidka, dadaallada lagu casriyeynayo maamulka iyo maareynta shaqaalaha dowladda, kor u qaadista xirfadda & aqoonta shaqaalaha, iyo qorshayaasha lagu xoojinayo hufnaanta iyo isla xisaabtanka hay’adaha dowladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay shaqada muhiimka ah ee uu Guddigu hayo, isagoo hoosta ka xariiqay in shaqaalaha rayidka ay yihiin laf-dhabarta hay’adaha dowladda. Madaxweynaha ayaa ku dhiirrigeliyay Guddiga in uu sii wado dadaalka lagu tayeynayo shaqaalaha, lana dardar-geliyo dib-u-habeynta maamulka, ugu dambayna shaqada dowladda lagu soo galo tartan furan oo loo siman yahay, si loo gaaro adeeg dowladeed oo tayo leh, hufan, kana jawaabaya baahida shacabka Soomaaliyeed.

 

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.