|

Wasiirka Caddaaladda Soomaaliya oo Furay Kulanka Wadatashiga Xeerarka Cusub iyo Ka Qaybgalay Daahfurka Shabakadda Soo Celinta Hantida La Lunsado

Warar · Abdalle · October 29, 2025
Wasiirka Caddaaladda Soomaaliya oo Furay Kulanka Wadatashiga Xeerarka Cusub iyo Ka Qaybgalay Daahfurka Shabakadda Soo Celinta Hantida La Lunsado

Wasiirka Caddaaladda oo Furay Kulanka Wadatashiga ee Xeerarka Taxkiimka iyo Caddeymaha

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u furay kulanka wadatashiga ee labada Hindise-sharciyeed ee kala ah Xeerka Taxkiimka (Arbitration Law) iyo Xeerka Caddeymaha (Evidence Law), kaas oo socon doona muddo laba maalmood ah.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qayb galay xubno sare oo ka kala socday bahda cadaaladda, khubaro sharci, iyo wakiillo ka socda kulliyadaha sharciga ee jaamacadaha dalka. Wasiirka ayaa xusay in kulankan uu qeyb ka yahay dadaallada socda ee lagu casriyeynayo nidaamka garsoorka iyo sharciyada dalka, si ay ula jaanqaadaan heerarka caalamiga ah, isla markaana loo xoojiyo kalsoonida maalgashadayaasha.

Isagoo ka hadlayay muhiimadda labada xeer, Wasiir Xasan Macallin ayaa tilmaamay in Xeerka Taxkiimka uu muhiim u yahay xallinta khilaafaadka ganacsiga iyo dhiirrigelinta maalgashi ammaan ah, halka Xeerka Caddeymaha uu yahay laf-dhabarka caddaaladda iyo garsoorka dalka.

Ugu dambayn, Wasiirka ayaa ku adkeeyay sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay in la sameeyo sharciyo waafaqsan xeerarka caalamiga ah, oo ku dhisan aqoon, waayo-aragnimo iyo wadatashi dhab ah, si ay u noqdaan kuwo taageera dowlad wanaagga, caddaaladda, horumarka iyo sumcadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Caddaaladda Soomaaliya oo Ka Qayb Galay Daahfurka Shabakadda Urur Goboleedka Soo Celinta Hantida La Lunsado ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa sidoo kale maanta ka qeyb galay shirka daahfurka urur goboleedka Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika ee soo celinta hantida sharci-darrada ah loo lunsado, kaas oo ka soconaya magaalada Jidda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya inta u dhaxaysa 8–9 October 2025.

Ururkan goboleed oo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka aasaasay, ayaa kulmiya wadamada Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika, iyadoo ujeeddadiisu tahay xoojinta iskaashiga heer gobol ee ku saabsan la dagaallanka tahriibinta hantida sharci darrada ah iyo soo celinta hantida la lunsado.

Inta uu socdo kulanka, Wasiir Xasan Macallin ayaa lagu wadaa inuu jeediyo khudbad muhiim ah oo uu kaga hadlayo doorka ururkan iyo muhiimadda uu u leeyahay Soomaaliya iyo dalalka gobolka, gaar ahaan dhinaca xoojinta iskaashiga wax ku oolka ah ee lagu xakameynayo tahriibinta hantida sharci darrada ah, isla markaana loo fududeeyo dabagalkeeda iyo soo celinteeda.

Sidoo kale, Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa kulamo gaar ah la yeelan doona madaxda iyo mas’uuliyiinta heer gobol iyo heer caalami ee ka qeyb galaya shirka, si kor loogu qaado xiriirka iskaashi iyo wada-shaqeynta dhanka cadaaladda iyo soo celinta hantida la lunsado ee ay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya la leedahay dowladaha gobolka.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.