Aqoon-is-weydaarsiga Kormeerka Bille iyo Saddex-biloodle ka dhacay Baladweyn

Waxaa magaalada Baladweyn lagu qabtay aqoon-is-weydaarsi muhiim ah oo diiradda lagu saaray kormeerka bille iyo saddex-biloodle ee mashaariicda ka socda gobolka. Aqoon-is-weydaarsigan ayaa lagu martiqaaday:
– Wakiillo ka socda hay’adaha dowladda ee heer gobol iyo degmo
– Shaqaalaha hay’adaha samafalka iyo horumarinta
– La-taliyeyaal iyo khubaro ku takhasusay kormeerka iyo qiimeynta
– Xubno ka socday bulshada deegaanka
Qodobbadii Diiradda la saaray:
– Habraaca kormeerka joogtada ah ee mashaariicda
– Sida loo ururiyo xogta la xiriirta waxqabadka iyo saameynta
– Dhibaatooyinka ka dhasha kormeer la’aanta iyo xal u heliddooda
– Isku-xirka hay’adaha iyo la wadaagidda xogta
– Kor u qaadidda hufnaanta iyo isla xisaabtanka
Gunaanad:
Aqoon-is-weydaarsigu wuxuu ahaa mid miro-dhal ah oo lagu wadaagay waayo-aragnimo, laguna dhisay xirfado cusub oo kor u qaadaya tayada kormeerka. Waxaa la isku raacay in la dardargeliyo kormeerka joogtada ah, lana sameeyo jadwal mideysan oo ay ku heshiiyaan dhammaan daneeyayaasha.


