|

Puntland oo Ku Dhawaaqday Musharrixnimada Madaxweyne Saciid Deni

Warar · Ilhaan · September 14, 2025
Puntland oo Ku Dhawaaqday Musharrixnimada Madaxweyne Saciid Deni

Puntland ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u shaacisay in Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, uu u taagan yahay xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Caydiid Dirir, ayaa sheegay in dalka u baahan yahay hoggaan dhab ah oo la hubo waxqabadkiisa, isagoo tilmaamay in aanay jirin cid kale oo samatabixin karta dawladnimada Soomaaliyeed marka laga reebo Madaxweyne Saciid Deni.

“Puntland waxay u diyaarsan tahay samatabixinta dawladnimada Soomaaliyeed, sidii ay horay ugu samatabixisay xilligii Madaxweyne hore, Cabdullaahi Yuusuf. Mar kale, Madaxweynaha Puntland, Saciid Deni, wuxuu samatabixin doonaa dawladnimada Soomaaliyeed. Xilligan ma jiro hoggaamiye kale oo waxqabadkiisa la hubo,” ayuu ku yiri Wasiirku qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa hadalkiisa ku daray:

“Dabki baxayaa dab lagu qabsadaa. Dowladda Puntland, gacana difaaca, gacana horumarka, waxay diyaar u tahay samatabixinta dawladnimada Soomaaliyeed.”

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.