|

R/ W Xamsa Cabdi Barre oo hambalyo u diray hoggaanka cusub ee Waqooyi-Bari Soomaaliya

Warar · Ilhaan · August 30, 2025
R/ W Xamsa Cabdi Barre oo hambalyo u diray hoggaanka cusub ee Waqooyi-Bari Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha cusub ee loo doortay Dowlad Gobolleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Awcali (Firdhiye), iyo Madaxweyne Ku-xigeenka, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo maanta guuleystay doorashadii ka dhacday magaalada Laasacanood.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in doorashadani ay muujinayso biseyl siyaasadeed iyo dadaalka shacabka Waqooyi Bari ay ugu jiraan helitaanka adeeg dowladeed oo dhammeystiran, isaga oo tilmaamay in qabsoomidda doorashadan ay xoojinayso dowladnimada, ayna muhiim u tahay adkeynta midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xusay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dadaal badan gelisay xoojinta nidaamka dowladnimada iyo horumarinta hannaanka Federaaleynta dalka maantana la gaaray miro-dhalka dadaalladaasi.

Ra’iisul Wasaaraha, oo bogaadiyey kaalinta ay ka qaateen Xildhibaannada iyo shacabka Waqooyi Bari doorashadan dimuqraadiga ah, ayaa u rajeeyay Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka cusub in ay noqdaan hoggaan ka shaqeeya midnimada bulshada, wadajirka, isla markaana ay mudnaanta siiyaan danaha shacabka Soomaaliyeed.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.