|

Boosaaso: Ciidamo gadoodsan oo xiray afaafka hore ee Cisbitaalka Weyn

Warar · Ilhaan · August 16, 2025
Boosaaso: Ciidamo gadoodsan oo xiray afaafka hore ee Cisbitaalka Weyn

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ay maanta xirteen afaafka hore ee Cisbitaalka Weyn ee magaalada, kadib markii ay ka gadoodeen mushahar la’aan iyo daryeel la’aan muddo dheer soo jiitamaysay.

Goobta ay ciidanku xirteen ayaa si weyn u saameysay isu socodkii dadka iyo gaadiidka, taasoo keentay in xaalad kacsanaan ah ka dhalato magaalada. Goob-joogayaal ayaa xaqiijiyay in waddada halbowlaha ah ee magaalada gebi ahaanba la xiray, taas oo hakad gelisay adeegyada bulshada, gaar ahaan dadka u socday adeegyada caafimaad ee degdegga ah.

Dadka deegaanka ayaa ka cabanaya in xiritaanka waddadan uu dhibaato xooggan ku yeeshay bukaannada iyo qoysaskooda, maadaama ay adkaatay in si fudud loo helo adeeg caafimaad oo degdeg ah.

Saraakiil ka tirsan ciidanka gadoodka sameeyay ayaa sheegay in ay ku qasbanaadeen tallaabadan, maadaama cabashooyinkooda mushahar la’aanta iyo daryeel la’aanta aan weli wax jawaab ah laga bixin.

Xaaladda magaalada ayaa weli kacsan, iyadoo aan la ogeyn tallaabada maamulka Puntland iyo wasaaradda amniga ay qaadi doonaan.

Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta degmada Carmo tababar ugu soo xiray ku dhawaad 500 askari oo ka mid noqonaya ciidamada Booliska Puntland. Intii uu tababarku socday, ciidamadan ayaa marar kala duwan sameeyay gadoodyo la xiriira mushahar iyo xuquuq la’aan, balse cabashadooda ayaa la sheegay in si hoose loo xaliyay, taas oo suuragelisay in tababarka si rasmi ah loo soo gebagabeeyo.

Munaasabadda xiritaanka ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Puntland iyo mas’uuliyiin kale.

Maalmihii u dambeeyay, ciidanka Puntland ayaa si isdaba joog ah uga cabanayay mushahar la’aan, daryeel xumo iyo xuquuq la’aan, taas oo muujinaysa caqabado joogto ah oo ay la daala dhacayaan.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.