Mooshin Ka Dhan ah Ra’iisul Wasaare Xamse Barre oo Xildhibaanno Soo Abaabulayaan

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay wadaan abaabul mooshin xilka looga tuurayo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre marka uu furmo kalfadhiga cusub ee Golaha Shacabka.
Mooshinkan, oo ay diyaarinayaan xildhibaanno ku sugan Muqdisho iyo Nairobi, ayaa Ra’iisul Wasaaraha lagu eedeeyay fashil dhinaca siyaasadda ah. Sida uu sheegay Xildhibaan Cabdiladiif Sanyare, waxaa mooshinka saxiixay 120 xildhibaan, waxaana ka dhiman 20 mudane si loo gaaro tirada loo baahan yahay. Waxaa la qorsheeyay in mooshinka la horgeeyo Golaha Shacabka 23-ka Agoosto.
Dhanka kale, warar kale ayaa tilmaamaya in xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay wadaan dadaallo lagu fashilinayo mooshinka. Wasiirka Gaadiidka iyo Dekadaha, C/Qaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa sheegay in mucaaradka uu ka muuqdo “tabar la’aan,” isagoo ku dhaliilay in awoodda ay u leeyihiin ay ku muujin waayeen fagaaraha Baarlamaanka.
Mooshino hore oo la mid ah kan socda ayaa lagu doonay in xilka looga qaado Xamse Barre balse ku dhammaaday fashil, kadib markii Madaxtooyadu ay ka hortagtay dadaalladaas.