Muungaab oo $200,000 ku Wareejiyay SODMA si Loogu Gurmado Abaaraha Gobolka Awdal

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa hay’adda SODMA ku wareejiyay deeq lacageed oo gaaraysa $200,000, si loogu taageero gurmadka abaaraha ka jira gobolka Awdal ee Waqooyiga Galbeed Soomaaliya.
Muungaab ayaa sheegay in deeqdan ay tahay bilaabidda dadaal gurmad oo maamulka gobolka Banaadir ka qeyb qaadanayo, isagoo xusay in lacagtu ka timid canshuurta shacabka Muqdisho, oo uu sheegay in Reer Awdal-na qayb ka yihiin maadaama ay caasimaddu tahay xarunta ummadda.
Guddoomiyaha SODMA, Maxamuud Macalin, ayaa uga mahadceliyay taageerada, isagoo balan qaaday in deeqda si degdeg ah loo gaarsiin doono dadkii loogu talagalay.
Mas’uuliyiin heer federaal ah oo ay ka mid yihiin Wasiirka Howlaha Guud Dr. Cilmi Maxamuud, Wasiiru Dowlaha Amniga Maxamed Cali Xagaa, iyo Xildhibaan Caasho Koos oo kasoo jeeda Awdal, ayaa si weyn u bogaadiyay talaabada Muungaab.
Duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha samafalka in ay gurmad la gaaraan dadka ay abaaruhu saameeyeen.