|

Dastuurka maamulka Waqooyi Bari oo la dhaqan geliyay

Warar · Ilhaan · August 3, 2025
Dastuurka maamulka Waqooyi Bari oo la dhaqan geliyay

Magaalada Laascaanood ayaa xalay martigelisay munaasabad taariikhi ah oo lagu ansixiyay Dastuurka cusub ee Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, kaasi oo si rasmi ah u dhaqan galay kaddib saxiixa hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah, Cabdiqaadir Axmed Firdhiye.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin heer federaal ah, oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cali Xoosh, kaas oo tallaabada ku tilmaamay mid taariikhi ah oo dhidib u taagaysa dowlad-dhis sal adag ku fadhida.

Dastuurka cusub ayaa xusay in maamulka uu aqoonsan yahay Puntland, balse uusan aqoonsaneyn Somaliland, isagoo sidoo kale qeexaya xuduud badeed dhan 200 mayl iyo fursad uu maamulkan u furan yahay in lagu soo biiro.

Qorshayaasha dhow ee maamulka waxaa ka mid ah dhismaha Baarlamaanka, doorashada Madaxweynaha, iyo hirgelinta adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo amniga. Waxaa sidoo kale la qorsheynayaa xiriir sharci ah oo lala yeesho Dowladda Federaalka.

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ayaa xusay in maamulka cusub uu ku dhisan yahay nabad, heshiis iyo wada-tashi, taasoo dad badan u arkaan fursad lagu xasillin karo siyaasadda gobolka Waqooyi ee Soomaaliya.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.