|

Shil Gaari oo Khasaaro Geystay oo Ka Dhacay Muqdisho

Warar · Ilhaan · June 11, 2025
Shil Gaari oo Khasaaro Geystay oo Ka Dhacay Muqdisho

Ugu yaraan laba qof ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib shil gaari oo fiidnimadii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhexeysa isgoysyada Siinaay iyo Afarta Jardiin.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in shilku dhacay markii gaari xamuul ah oo watay konteenar uu si xooggan u jiiray mooto bajaaj ay saarnaayeen dad rayid ah. Khasaaraha ayaa lagu sheegay mid culus, iyadoo dadka dhaawacmay iyo meydadkuba loo qaaday xarumo caafimaad oo magaalada ku yaalla.

Ilaa iyo hadda, dowladda Soomaaliya kama aysan hadal shilkaasi iyo khasaaraha uu sababay.

Shilalkan oo kale ayaa si isa soo taraysa ugu soo badanaya waddooyinka Muqdisho, iyadoo sababaha ugu waaweyn lagu tilmaamay xawaare xad-dhaaf ah, darawalnimo la’aan, iyo kormeer la’aan heysta gaadiidka xamuulka ah ee si joogto ah u maraya waddooyinka caasimadda.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.