Kenya oo Diiday Furitaanka Xafiiska Diblomaasiyadeed ee Somaliland
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in xafiiska ay Somaliland ka furatay magaalada Nairobi uusan haysan oggolaansho rasmi ah oo diblomaasiyadeed, iyadoo muujisay walaac ay ka qabto heerka cusub ee xafiiskaasi.
Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa lagu xusay in inkastoo la soo dhawaynayo dib-u-habeyn iyo casriyeyn lagu sameeyay xafiiska Somaliland ee Nairobi, haddana aan la aqbalayn in xafiiskaasi si rasmi ah loogu beddelo mid diblomaasiyadeed iyadoo aan la helin oggolaanshaha dowladda Kenya.
"Kenya waxay hoosta ka xarriiqaysaa walaaca ay ka qabto munaasabadda la qorsheeyay 27-ka May, taasoo aan oggolaansho ka haysan Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Heerka xafiis diblomaasiyadeed ma haysan oggolaansho, lamana oggolaan karo in sidan lagu sii wado,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Xafiiska Somaliland ee Nairobi ayaa dhawaan lagu sameeyay dhisme cusub, waxaana la qorsheeyay in maanta oo ay tahay 27-ka May uu si rasmi ah u furo Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), kaasoo haatan ku sugan dalka Kenya.
Dowladda Kenya ayaa sidoo kale xustay in dhammaan arrimaha la xiriira xiriirka diblomaasiyadeed ay u baahan yihiin in lala socodsiiyo si rasmi ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyadoo la raacayo habraacyada caalamiga ah ee la oggol yahay.