|

Wadatashi Baarlamaan oo Ku Saabsan Axdiga Afrika ee Xuquuqda Caruurta

Warar · Ilhaan · May 25, 2025
Wadatashi Baarlamaan oo Ku Saabsan Axdiga Afrika ee Xuquuqda Caruurta

Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan muhiim ah kula yeeshay xarunta Villa Hargeysa Guddiga Xuquuqul Insaanka ee isla Golaha Shacabka.

Kulankan oo uu shirguddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Arrimaha Dibadda, Xildhibaan Aweys Xuseen Macalin, ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay Xoghayaha Guddiga, Xildhibaan Sayid Cali Isaaq Maxamed, iyaga oo si qoto dheer uga wadahadlay qodobbada ku xusan Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Caruurta.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd wada-tashi rasmi ah oo ku saabsan qodobbada Axdiga, iyadoo Guddiga Arrimaha Dibadda uu talo iyo aragti ka raadinayay Guddiga Xuquuqul Insaanka, si loo xaqiijiyo in qodob kasta oo ka mid ah Axdigaasi uu waafaqsan yahay diinta Islaamka iyo Dastuurka Qaranka.

Intii uu socday kulanka, waxaa la falanqeeyay qodobbada la is khilaafsan yahay, waxaana gebagebadii la isku raacay in laga saaro ama wax-ka-beddel lagu sameeyo dhammaan qodob kasta oo si toos ah ama si dadban uga hor imaanaya mabaadi’da shareecada Islaamka iyo qodobbada Dastuuriga ah ee dalka.

Xildhibaan Aweys Xuseen Macalin, oo kulanka soo xiray, ayaa uga mahadceliyay Guddiga Xuquuqul Insaanka doorkooda muhiimka ah, waxa uuna carrabka ku adkeeyay in Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Caruurta dib loogu soo celiyo Golaha si uu u maro Akhrinta Labaad, iyadoo la raacayo talooyinka iyo soo jeedimaha laga soo saaray kulankan.

“Waa waajib na saaran in aan difaacno dhaqankeena, diinteena iyo dastuurkeena, anagoo sidoo kale ilaalinayna xuquuqda caruurta Soomaaliyeed,” ayuu yiri Xildhibaan Aweys.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.