|

Maxay ka wada hadleen Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Midowga Musharraxiinta KGS?

Maxay ka wada hadleen Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Midowga Musharraxiinta KGS?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Midowga Musharraxiinta, Golaha Badbaadada iyo Madasha Samatabixinta Koonfur Galbeed, isagoo kala hadlay ka guul gaarida Shirka Dib u Heshiisinta Koonfur Galbeed oo gogoshiisa taala magalada Baydhabo wajigiisa labaad maanta si rasmi ah u furmay.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa Midowga Musharraxiinta, Golaha Badbaadada iyo Madasha Samatabixinta KGS ku bogaadiyay sida hufnaanta leh ay uga qeyb galeen wajigii koowaad ee shirka isla-markaana Guddiga Farsamada gacan ku siiyay sidii uu u qabsoomi lahaa shirka lana xaliyiyey shaqaaqooyinkii dhacay ayaa siyaasiyiinta la wadaagay in wajiga labaad ee shirka si rasmi ah u furmay .

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.