|

Dowladda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celinaysa dhalinyaro ku xirnaa Xabsiyada Liibiya

Wararka Idaacadda · Dalsan Editor · September 26, 2022
Dowladda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celinaysa dhalinyaro ku xirnaa Xabsiyada Liibiya

Dowladda Soomaaliya ayaa 27 bishan oo bari ku beegan Dalka Dib ugu Soo Celineeysa ilaa 9 Dhallinyaro Soomaaliyeed oo Tahriib uga baxay dalkooda.

Dhallinyaradaan oo qaarkood Maxaabiis ahaan ay u heysteen Kooxaha Burcadda ee loo yaqaano Magafayaasha ayaa Dowladda Soomaaliya ku guuleysatay in dib loogu soo celiyo dalkooda.

Xoghayaha kowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Liibiya Ayuub Xaashi Ciise ayaa Wakaaladda Wararka SONNA  u sheegay in Dhallinyaradaan diyaarad laga soo saaray dalka Liibiya bari oo Talaado ah lagana soo dajindoono garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Xoghaye ayaa sheegay in Dhallinyaradaan oo dhivaato badan la kulnay ay safaaraddu u dhameystirtay dhammaan waxyaabihii ay u baahnaayeen .

Safaaradda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixisay sidii muwaadiniitani Soomaaliyeed ee guud ahaan ku jira xabisyada dalkaasi dib loogu soo celin lahaa dalka.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.