Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo qabaya qarax Khasaare gaystay oo ka dhacay Gobalka Shabeellaha Hoose.
Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhexaysa Walanweyn iyo Afgooye gaar ahaan degaan lagu magacaabo Doonka, gaari wadada ki safrayay ayaa qaraxaasi lala beegsaday.
Inta la xaqijiyay 3 qof oo shacab ah oo saarnaa gaariga qaraxu haleelay ayaa ku dhintay, sida uu warbaahinta u sheegay masuul ka tirsan maamulka degmada Walenweyn ee Gobalka Shabeellaha Hoose.
Gaariga la qarxiyay ayaa kasoo bixitimay Magaalada Walenweyn, waxaana uu kusoo wajahnaa degmada Afgooye ee Gobalka Shabeellaha hoose.
Degaanka Qaraxu ka dhacay ayaa Afgooye i jira 7KM, waxaana maamulka ay sheegeen in weerarkaasi ay ka dambeeyaan dagaalamayaasha AS.