Faysal Cali Waraabe, ayaa si cad u muujiyay walaac weyn oo ku aaddan xaaladda amni ee Soomaaliya, isagoo sheegay in ay jirto suurta-galnimo sare oo ah in kooxda Al-Shabaab ay qabsato magaalada Muqdisho inta u dhaxeysa bisha May iyo June 2025.
Faysal ayaa hadalkan ka sheegay qoraal uu ku daabacay bartiisa X (ex-Twitter), isaga oo ka fal-celinayay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen degmada Aadan Yabaal, gobolka Shabeellaha Dhexe. Wuxuu tilmaamay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku fashilantay sugidda amniga iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah.
“Waxaynu eegnaaba waa Xarakada Al-Shabaab oo la wareegta Soomaaliya dhawaan. Sidii aan hore u sheegay, bisha May ama ugu dambayn bisha June 2025,” ayuu yiri Waraabe.
Isagoo sii faahfaahinaya aragtidiisa, Faysal Cali Waraabe wuxuu xusay in Soomaaliya ay muddo dheer ahayd “failed state” ama “dawladi fashilantay,” tan iyo markii uu dhacay taliskii milateri ee Maxamed Siyaad Barre 1991.
Wuxuu carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay khatar weyn ku tahay amniga gobolka Geeska Afrika iyo ganacsiga caalamiga ah, gaar ahaan marinka muhiimka ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
“Failed state-ka Soomaaliya oo bilaa nidaam ahayd laga soo bilaabo 1991… waxay khatar ku ahayd nabadgelyada adduunka, siiba Geeska Afrika iyo isu socodka ganacsiga caalamiga ah,” ayuu yiri.
Sidoo kale, Faysal wuxuu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay sameeyeen illaa afar isbeddel oo waaweyn, kuwaas oo uu ku sheegay kuwo muujinaya in kooxdaasi ay diyaar u tahay in ay la wareegto gacan ku haynta dalka. Si kastaba ha ahaatee, ma uusan faahfaahin waxa ay yihiin isbeddeladaas.
Faysal Cali Waraabe, oo si joogto ah uga hadla arrimaha Soomaaliya inteeda kale, ayaa hadalkiisa loo arkaa mid dhalin kara dood siyaasadeed iyo amni oo xoog leh, gaar ahaan marka la eego waqtiga uu sheegay ee la xiriira qabsashada caasimadda Muqdisho.
Al-Shabaab, oo ah urur argagixiso oo si rasmi ah loogu aqoonsaday koox argagixiso ah dalal badan oo ay ka mid yihiin Maraykanka, UK, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay.