Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa gaar ahaan Deegaanka lagu magacaabo Cabdi Geeddi oo duleedka ka ah Magaaladaas ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu weerar ku soo qaadeen Raxan Waraabayaal ah.
Waraabahan ayaa la sheegay in deegaankaasi uu ka qaaday  Wiil 8-jir,islamarkaana laga soo dhigay Waraabaha isaga oo dhaawac ah culus, waxaana wiilka yar loo qaaday dhaawiciisa dalka Jabuuti.
Willka 8-jirka ee loo qaaday Jabuuti ayaa waxaa la sheegay inuu u geeriyooday dhaawacii kasoo gaaray Qaniinyada Waraabaha, waxaana uu weerar ba’an uu ku haayaa waraabaha dadka  Deegaanka Cabdi Geeddi ee Magaalada Hargeysa.
Dadka Deegaanka waxa ay sheegeen in wiilkaasi uu yahay qofkii 4aad ee sanadkan gudihiisa uu Waraabe ku cuno Deegaanka,waxa ayna dadka halkaasi degan qeylo dhaan u direen maamulka Soomaalialand,iyagoona sheegay in maalmaha qaar Waraabaha weerar toos oo ah uu ku soo qaado Xoolaha ku nool Deegaanka .
Waxaa Sidoo kale ay sheegeen in uu Waraabaha bartay hilibka Dadka,islamarkaana sheegay in waraabaha habeen iyo maalin ay isugu mid tahay oo weerar joogta ah ku haayo Dadka deegaanka Cabdi Geeddi ee dhaca xeebta Waqooyi ee Gobolka Maroodi Jeex Magalada Hargeysa.