Qoraal Saxaafadeed ka soo baxay Guddiga Doorashadda Maamulka Galmudug ayaa lagu muujiyey Qeylo-dhaan daran oo ku aadan inay Guddiyadda Doorashadda Heerka Federalka iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashadda ku hawlan yihiin sidii xubno ku soo baxay Doorashadii ka dhacday Maamul-gobaleedyadda looga saari lahaa Liiska Xildhibaanadda ku guuleystay Labada Aqal ee Barlamaanka Federalka ee soo socda.
War saxaafadeedka Guddiga Doorashadda Galmudug waxay sheegeen in Go’aankaasi la doonayo in lagu carqaladeeyo Doorashadda dhibka badan lagha soo maray, isla markana aan iyaga lagala tashanin xubnaha laga saaro Liiska Xildhibaanadda ku so obaxay Doorashadda.
Guddiga Doorashadda ee Galmudug waxay ugu baaqeen Madasha Wada-tashiga Qaran iyo Beesha Caalamka  inay soo fara geliyaan xiisaddaasi iyo in dib la isla saxo qaladaadka taagan.
War-saxaafadeedkaasi ayaa soo baxay, iyadoo ay Guddiga Doorashadda Heerka Federalka, Ergooyinka Beesha Caalamka iyo Safaaradda Maraykanka horey saluug uga muujiyeen Signaanshaha Nidaamka ay u dhacday Doorashadii xubnaha Labada Aqal ee lagu soo doortay caasimadda KMG Galmudug ee Cadaado.
Halkan ka akhriso War-saxaafadeedka Guddiga Doorashadda Galmudug:
Shalay ayey ahayd, markii Radio Dalsan laga baahiyey inay Guddiga Federalka ee Doorashadda Dadban faraha kula jiraan go’aan 23 xubnood looga saarayo Liiska Xildhibaanadda ku soo baxay Labada Aqal ee Barlamaanka cusub.
Tallaabadaasi ayaa waxay si saf-mar ah u saamaynaysaa xubnihii ka soo baxay Maamul-gobaleedyadda hoos taga Dowladda Dhexe ee Federalka, iyadoo Maamul-gobaleedka xubnaha laga saarayo Liiska Xildhibaanadda kala yihiin sidatan:
Maamulka K/galbeed    11-xubnood.
Maamulka Puntland      4-xubnood
Maamulka Galmudug   3-xubnood
Maamulka Hirshabelle   3-xubnood
Maamulka Jubbaland    2-xubnood
©Radio Dalsan