Waxaa caawa magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay Shirka u dhexeeyay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, madaxdii hore iyo iyo siyaasiinta dalka, shirka ayaa waxaa shalay furay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Shirka oo laba maalin ka socday Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay kamid ahaayeen xaaladda dalka, amniga, la dagaalanka Al-Shabaab, dib u eegista dastuurka, dimuqoraadiyeynta iyo doorashooyinka.
War-murtiyeed ayaa laga soo saaray shirka, waxaana warbaahinta u Akhriyay Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Farxaan Maxamed Jimcaale oo qabtay shir jaraa’id markii uu soo dhammaaday shirka.