Allaha U Naxariiste Ugaaska Beesha Xawaadle, Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayaa barqanimaddii maanta ku geeriyooday magaallo-madaxda Gobalka Hiiraan ee Beled-weyne.
Allaha U Naxariistee Ugaas C/raxmaan ayaa la sheegay inuu xanuun ku soo booday xilli uu ka qeyb galayey Shirka ka socday Beled-weyne, wuxuuna ku geeriyooday Isbitaalka Guud ee Beledweyne.
Marxuumka waxa uu ka mid ah Hoggaamiye-dhaqameedyadda ugu caansan dalka Somalia, wuxuuna ahaa Caaqil Nabadoon wax badan ka shaqeeyey Musaalaxadda Ummadda.
Allaha U Naxariisto Marxuumka. Â Aamiin…Aamiin
©Radio Dalsan                            Â