Magaalada Hargeysa ayaa caawa laga xaqiijiyey geerida Madaxweynihii hore ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo ahaa mid kamid ah hoggaamiyeyaashii ugu saameynta badnaa ee maamulka Somaliland.
Sida ay sheegeen masuuliyiinta maamulka Somaliland, Marxuum Axmed Siilaanyo ayaa la aasi doonaa maalinta Isniinta ee soo socota, aaskaas oo ka dhici doona magaalada Hargeysa.
Madaxweynaha xilku ka dhammaaday ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo geerida xaqiijiyay, ayaa ka tacsiyeeyay qoyska Marxuumka iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa haatan ku sugan guriga qoyskii uu ka geeriyooday Marxuum Axmed Siilaanyo, halkaas oo uu tacsi uga diray qoyska, ehelka, iyo asxaabta Marxuumka.
Sidoo kale, Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray shacabka iyo ehelka Marxuum Axmed Siilaanyo, isagoo ku tilmaamay inuu ahaa halyeey siyaasadeed oo taariikhda Somaliland ku lahaa door aan la ilaawi karin.
Axmed Siilaanyo, oo xilka madaxweynenimada hayay intii u dhaxaysay 2010 illaa 2017, waxa uu xilka ku wareejiyay Muuse Biixi Cabdi,
Allaha u naxariisto Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.