Maamulka Gobolka Hiiraan ee HirShabelle ayaa si kulul u cambaareeyay xasillooni darrada ka jirta magaalada Beledweyne, iyagoo ku eedeeyay kooxo uu sheegay inay caqabad ku yihiin dowladnimada isla markaana ku dhaqmaya aragtiyo qaldan. Qoraal kasoo baxay maamulka ayaa lagu xusay in iska hor imaadka saaka ka dhacay magaalada uu sababay dhimashada hal qof oo shacab ah iyo qalqal soo gaaray bulshada ku nool magaalada Beledweyne.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Maamulka Gobolka Hiiraan uu ka go’an yahay ilaalinta sharciga iyo nabadgelyada magaalada, iyagoo hoosta ka xarriiqay in aan loo dulqaadan doonin falal wax u dhimaya amniga guud. Maamulka ayaa ku eedeeyay kooxaha dagaalka ku lugta leh inay halis gelinayaan xasilloonida magaalada, taas oo sida ay sheegeen, ka faa’iidi karaan kooxaha Khawaarijta ah ee ka soo horjeeda dowladnimada iyo amniga.
Maamulka HirShabelle ayaa si cad u sheegay inay aad uga xun yihiin dhacdadan, oo ay ku tilmaameen mid laga baaqsan karay, wuxuuna ballan qaaday in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo isku dayda inay wax u dhinto nabadda iyo amniga bulshada.
Digniinta iyo cambaareynta maamulka ayaa kusoo beegmaysa xilli saaka magaalada Beledweyne uu dagaal culus ku dhex maray ciidamo ka tirsan maamulka HirShabelle iyo kuwa Hiiraan State, taas oo weli xiisad ka dhalatay ay ka taagan tahay gudaha magaalada. Maamulka HirShabelle wuxuu sheegay in masuuliyadda falalkan lagu heyn doono kooxaha dagaalka bilaabay, isla markaana aysan marnaba aqbali doonin in kooxo qaswadayaal ah ay qalqal geliyaan nabad-gelyada shacabka