Dawladda Soomaaliya ayaa marar kala duwan waxa ay shaaca ka qaadey in Al Shabab dagaal lagu soo af jaraayo,oo ayna marnaba wadda hadal la fureyn Koox dhiigyo cab ah oo shacabka gumaadaya sida ay dawladda hadalka u dhigtey.
Balse markan Madaxweynaha Soomaaliya ayaa daboolka ka rogay in ay diyaar u yihiin in xukuumadiisa la heshiiso Al shabab, si wax kasta loogu dhameeyo miiska wada-hadalka.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dhammaadka Al-Shabaab uu yahay wada-hadal, isla markaana dowladda Soomaaliyeed ay ku dadaali doonto, sidii loo wada-hadli lahaa.
“Waxaan rumeysanahay in dhamaadka Al-Shabaab uu yahay wada-hadal, goormee ayay diyaar yihiin? dowladda Soomaaliya waa diyaar†ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale wuxuu intaas sii raaciyay “Waxaan rajeyneynaa inay arrintaasi diyaar u noqdaan, marka ay diyaar noqdaan waan wada-hadli doonaa, wada xaajoodkaas wuxuu qaadan karaa waqti, laakiin ugu yaraan waxaan abuuri doonaa waddo cusubâ€.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dowladda federaalka Soomaaliya ay dagaal adag kula jirto kooxda Al-Shabaab, kaas oo deegaano badan looga xoreeyay kooxda