1-dii Bishaan Agoosto ayaa qorshuhu ahaa in ay Magalada Garoowe ka dhacdo munaasabada 20-guuradii ka soo wareegtay Aas-aaskii dowlad goboleedka Puntland balse ay dib u dhacday.
Khilaaf soo kala dhexgalay Wafdigii Ra’iisul Wasaare Kheyre ee tegay Garoowe iyo Madaxda Puntland ayaa sabab u noqday in munaasabadaas ay qabsoomi weyso balse ugu dambeyn xal laga gaarey.
Wadahadalo mudo Saacado ah qaatay ayaa fududeeyey in Shirka Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo shaki la gelinaayey uu ka qabsoomo Garoowe,iyada oo sidoo kale la’isku raacay in 3-da Bishaan Agoosto oo Caawa ah lagu qabto munaasabadaas Magalada Garoowe.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Xubnaha Golaha Wasiirada ee ku sugan Magaalda Garoowe ayaa ka qeyb geli doona munaasabadaas,iyada oo qaban qaabadii u dambeysay ee munaasabada ay iminka ka socoto Magalada Garoowe.