Afhayeen aan la magacaabin oo u hadlay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee dalkaasi Shuuciga ah ayaa lagu sheegay inay tijaabadaasi samayn doonaan xilli kasta iyo goob kasta ee lagu amro inay ku tijaabiyaan.
Khubarada ayaa rumeysan haddii si buuxda loo horumariyo Gantaaladaasi inay khatar ku tahay dalka Maraykanka oo 9,000 KM u jirta dalka Waqooyiga Kuurya, wuxuuna Gantaalkaasi wax ka duqeyn karaa masaafo dhan 5,500 KM ilaa 10,000 oo KM.
Xoghayaha Difaaca Maraykanka, Ash Karter oo shalay Wareysi siiyey Barnaamijka “La-kulan Saxaafadda†ee Telefishinka NBC ayaa sheegay in Barnaamijka Gantaalladda Nukliyeerka ee Waqooyiga Kuurya tahay khatar weyn oo ku so ofool leh Maraykanka.
Wuxuuna intaasi ku daray inay toogan doonaan Gantaal kasta oo ku soo wajahan xuduudaha Maraykanka iyo kuwa dalalka Saxaiibada ah.
©Radio Dalsan