Wakiilka Gaarka ee Ururka Miowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM,Ambassador Maaman Sidikou ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii ay Alshabaab ku qaadeen Saldhigga AMISOM ku leeyihiin Deegaanka Leego ee Gobalka Sh/hoose.
Ambassador Maaman Sidikou waxa uu sheegay inuusan weerarkaasi wax u dhimi doonin dadaalkooda ilaa ay Dowladda Somalia iyo dadka Soomaaliyeed xor ka noqon doonaan weeraradda Kooxaha uu ugu yeeray Argagixisadda.
Waxa uu intaasi ku daray inay AMISOM sii wadayso Hawlgalladda Isku0dhafka ee ay AMISOM iyo Ciiddanka Dowladda Somalia ku doonayaan sidii Dagaalamayaasha Alshabaab looga saari lahaa Degmooyinka ay weli ku sugan yihiin.
Sidoo kale, Wakiilka Gaarka ee Ururka Miowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Ambassador Maaman Sidikou waxa uu Dowladda iyo Shacabka Burundi uga tacsideeyey Askartii ay waxyeelladdu ka soo gaareen Weerarkii Alshabaab ay waaberigii hore ee shalay ku qaadeen Saldhigga รย Ciiddanka Burundi ee Hawlgalka AMISOM ku leeyihiin Deegaanka Leego.
Tan iyo markii la guda-galay bishan Barakaysan ee Ramadaan, waxay Dagaalamayaasha kordhiyeen weeraradda ay ku qaadaan Ciiddanka Dowladda iyo kuwa AMISOM.
รยฉ Warqabadka Radio Dalsan