Wafdi balaaran oo uu hogaaminaayo Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaali C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.
Wafdiga waxaa kismaayo kusoo dhaweeyay Masuuliyiin Ka Tirsan Maamulka Jubaland.
Ujeedka Wafdiga ayaa lagu sheegay in ay ka qeybqaataan dhisida baarlamaanka Maamulka Jubaland iyo Midaynta Ciidamadda.
Amaanka Magaalada kismaayo Ayaa sidoo Aad loo adkeeyay maanta.