Wafdi ka socda dalka Masar oo gelinkii dambe ee shalay Booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumaddfa Federaalka Soomaaliya.
Wafdigan oo uu hogaaminayay Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibada ee Masar Sherif Maxamud Said ayaa xafiiskiisa kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Maxamed Cabdirisaaq.
Kulanka dhexmaray labada dhinac ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeyay dowladaha Soomaaliya iyo Masar, isla markaana ku saleysan dhinacyo kala duwan oo labada dal ah.
Wasiir Maxamed  Cabdirisaaq ayaa waxaa uu tilmaamay in Masar iyo Soomaaliya ay wadaagaan xiriir walaalnimo iyo saaxiibtinimo ku qotomo, waxaana uu sheegay in Masar ay arrimo kala duwan kala kaashan doonto dowladda Federaalka.