Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland ayaa Maanta waxaa gaaray Guddigii uu Ra’iisul Wasaare Rooble u magacaabay soo qiimeynta xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubbaland Magaalada Garbahaareey.
Guddigaan oo uu hoggaaminayey Guddoomiyahooda Cumar Maxamed Cabdulle Dhageey ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay Guddiga hirgalinta doorashooyinka SEIT Jubbaland iyo Wasiiro ka tirsan Maamulkaas.
Guddiga oo ay ka dhiman yihiin xubno kale oo kamid ah Guddiga uu magacaabay Ra’isul Wasaaraha ayaa lagu wadaa in xubnaha ka dhiman ay tegaan Kismaayo maalinka barrito ah, iyagoo kadib amba qaadi doona howlaha horyaala ee loo igmaday.
Guddigaan oo ka kooban 7-xubnood ayaa soo qiimeyn doona sidii doorashada Golaha Shacabka uga dhici laheyd deegaan doorashada labaad ee Jubbaland ee Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo, halkaas oo ay taallo 16 kursi.
Sida uu qorshahu yahay Guddiga ayaa waxaa lagu wadaa inay tagaan Garbahaarey, isla markaana ay kulamo kala duwan la yeeshaan Odayaasha dhaqanka, Maamulka iyo Waxgaradka, iyagoona soo qiimeyn doona xaaladda amni ee Magaaladaas.