Wafdi ay hoggaamineysay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Xildhibaan Nuura Mustaf Mukhtaar oo ay qeyb ka ahaayeen Jaamacadda umadda iyo Akademiyada Dhaqanka Cilmiga iyo Suugaanta ayaa Booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Trieste ee Dalka Talyaaniga.
Intii ay ku sugnaayeen magaalada trieste wafdiga waxa ay ka qeyb galeen Shir looga hadlaayay arimaha waxbarashada iyo dhaqanka oo ay soo qabanqaabisay jaaliyadda soomaaliyeed ee magaalada trieste.
Sidoo kale wasiiradda iyo wafdigeeda waxa ay booqdeen goobaha waxbarashada magaalada oo ay ka mid ahaayeen jaamacadaha iyo Dugsiyada farsamada waxa ayna kulamo gaar ah la qaateen maamulka gobolka iyo kan magaalada iyagoo ka wada hadlay sidii looga wada shaqeyn lahaa horumarinta waxbarashada iyo dhaqanka.
Ugu dambeyn wasiiru dowlaha ayaa ka qeyb gashay xarig jarka bandhig sawireed lagu soo bandhigay taariikhdii hore ee magaalada muqdisho waxa ayna ka hadashay xiriirka soo jireenka ah ee dowladda talyaaniga iyo dowladda soomaaliya waxa ayna u mahad celisay Jaaliyadda soomaaliyeed ee soo qaban qaabisay barnaamijkaas oo u ugu horeeyo guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Trieste Dr Ahmed Fiqi Cilmi.