Guddoomiyaha Hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka SoDMA Maxamuud Macalin oo ay wehliyaan masuuliyiin ka socda Hay’adda Qatar charity iyo sanduuqa horumarinta Dowlada Qatar ayaa gaaray magaalada Kismayo ee xarunta ku meelgaarka ee Dowladda Jubaland
Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay wasiirada Qorsheynta Abdirahman Abdi Ahmed iyo Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Ahmed Hassan Cumar dowlada Jubaland
Guddoomiyaha iyo masuuliyiinta ka socdo dowlada Qatar ayaa si wadajir ah magaalada Kismayo ku daahfuri doono mashuruuca gargaar raashin ah lugu gaarsiin doono 46000 oo qoys guud ahaan dalka gudahiisa oo ay Dowlada Qatar maalgelisay.
Sidoo kale Guddoomiye Maxamuud Macalin iyo xubnaha ka socda Hay’adda Qatar charity iyo sanduuqa horumarinta Dowlada Qatar ayaa waxaa ay la kulmi doonaan Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.